DAAWO: ”Meesha ma qabato in Kenya lagu qabsado ”bad laga iibiyay” – Waran-cadde oo Kenya u hiilliyey!

0

(Hargaysa) 20 Feb 2019 – Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed (Waran-cadde) ayaa ka hadlay wax uu ku sheegay xiriirka Somaliland iyo Kenya iyo doorka uu damaca Kenya ee badda Somaaliya arrintaasi ku yeelan karo.

Waran-cadde ayaa sheegay in sida uu yiri ay ”Somalia iyadu baddeeda siisay Kenya” oo ay sidaa darteed khalad tahay in ”markale lagu qabsado.”

Waran-cadde oo yool siyaasadeed oo gaaban bartilmaameedsanaya, ayaa isagoo sheekadii meesha taalley ka boodaya isla markaana u muuqda nin yaraysanaya ama aysan micne sidaa u buuran ugu fadhiyin muhiimadda su’aasha la waydiiyay, wuxuu u guuxey in Somaliland ay hadaf siyaasadeed halkaa ka raadiso.

”Kenya maanta Muqdisho uma baahnee waa inay Somaliland xiriir la samaysataa.” ayuu soo jeediyay Waran-cadde oo dhowaanshaha Kenya u sababeeyay in Ingiriis wada gumaystey.

Waran-cadde oo beer nugayl u muujinaya Kenya in ka badan inta uu isku howlay dhulka Soomaaliyeed ee lasoo damcay ayaa sheegay in ay ”wax laga xumaado tahay in Kenya marna dhulka la siiyo marna lagu qabsado” maadaama buu yiri ay Kenya ”abaal badan u gashay Somalia”, isagoo aan caddaynin xiriirka ka dhexeeya abaalka uu sheegay iyo qaadashada qayb dhulka Somalia ka mid ah.

Halkan ka DAAWO…

Hadalsame Media