ATLETICO MADRID VS JUVENTUS: Shaxda & safafka ay caawa kusoo geli karaan!

0

(Madrid) 20 Feb 2019 – Waxaa caawa ciyaar qarfad ah oo aad u adagi magaalada Madrid, gaar ahaan Metropolitan Wanda, ku dhex maraysaa labada naadi ee Atletico Madrid iyo Juventus.

Dhanka Atleti: Kooxdan oo lagu tilmaamo mid ”ka Talyaanisan kooxaha Talyaaniga ah” marka la eego qaabka at taatiko ahaan u wajahdo ciyaarta, ayaa caawa dib u heleeysa Koke wuxuu Simeone sidoo kale ka fikirayaa inuu dheesha kusoo bilaabo Juanfran. Waaxda weerarka waxaa jaal ku noqonaya Morata iyo Griezmann.

Dhanka Juventus: Allegri ayaa weerarka u adeegsanaya seddaxleeyda Dybala, Cristiano Ronaldo iyo Mandzukic. Waxaan loo yeerin Khedira oo wadnaha ka sheeganaya. Dadabka midig waxaa isku haysta Cancelo iyo De Sciglio. Waloow ay dhici karto in Portuguese-ka lagu daro weerarka. Waxaa isna diyaar ah garab weerarka Douglas Costa.

KAYDKA LABADA KOOXOOD:

  • 1 ADAN, 15 SAVIC, 4 ARIAS, 23 VITOLO, 10 CORREA, 11 LEMAR, 19 DIEGO COSTA
  • 22 PERIN, 2 DE SCIGLIO, 15 BARZAGLI, 4 CACERES, 23 EMRE CAN, 33 BERNARDESCHI, 11 DOUGLAS COSTA

GANAAXAN

AAN LA HELI KARIN

  • Lucas Hernandez
  • Khedira

Hadalsame Media