AMISOM oo dhamaadka bishan xarun muhim u ah Ciidamada Somalia soo wareejinaysa (Dib u dhis lagu sameeyay)

0

(Muqdisho) 20 Feb 2019 – Akadamiyaha caanka ah ee Xoogga Dalka Somalia, ee loo aqoon jirey Kuliyadda Jaalle Siyaad, oo ay iminka deggan yihiin ciidamada AMISOM ayaa lagu wareejinayaa Ciidamada Somalia, dabayaaqada bishan febraayo.

Akadamiyaha Millateriga Somalia oo dib u dhis lagu wadey tan iyo bishii Diseembar ee sanadkii tegey ayaa iminka la dhamaystiray, waxaana lagu wareejinayaa ciidamada Somalia ee SNA.

Waxaa arrintan ku dhawaaqay ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika u jooga Somalia, isla markaana uu siyaasad ahaan hoos tago howlgalka AMISOM, Danjire Francisco Madeira, isagoo shalaytoole booqasho ku tegey goobta.

“Waannu ku qanacsannahay howsha dib u dhiska ah, waxaana la sameeyay agaasin saaxi ah oo ku aaddan in dhamaadka bishan la wareejiyo.” ayuu yiri Madeira, oo ay la socdeen saraakiil ka kala tirsan AMISOM iyo DF Somalia.

Jaalle Siyaad Military Academy oo muhim u ahaa tababarka iyo diyaarinta saraakiisha Somalia, wuxuu sidoo kale saldhig asaasi ah u ahaa ciidamada AMISOM, xilligii ay Muqdisho kula dagaallamayeen kooxda Al Shabaab oo ay magaalada ka saareen 2011, iyagoo garabsanaya ciidamada Somalia.

Hadalsame Media