DAAWO: Qaadleeyda Soomaaliya oo sheegay inay joojinayaan Qaadka Kenya + Sawirro

0

(Muqdisho) 19 Feb 2019 – Ganacsatada Spomaliyeed ee Qaadka kasoo waaridaysey dalka Kenya ayaa ku dhawaaqay inay gebi ahaanba joojiyeen Qaadkii uga iman jirey jihada dalkaasi.

Warkan ayaa waxaa Warbaahinta siiyay Gudoomiyaha Qaadleeyda Soomaaliyed, Qooje Maxamuud Qayliye, kaas oo intaa raaciyay in maanta ay ugu dambeeyso Qaad laga keeno dalka Kenya.

Wuxuu sheegay inay sidaa u doorteen garab istaagga dalkooda & dadkooda, iyadoo suuqii ganacsiga ee qaadka maanta wixii ka dambeeya ay u wareejiyeen dalka Itoobiya.

“Laga bilaabo maanta waan joojinay qaadkii inooga iman jiray dhanka dalka Kenya, waxaana ka doorannay difaaca qarankeenna, badeenna & dhulkeenna, wixii intaasi dheer oo siyaasad ah waxaan u dhaafnay DF Somalia, Qaadkana waxaan ka keensaneynaa dalka Itoobiya oo aannu suuqeenii u wareejinay.” Ayuu yiri Gudoomiyaha Qaadleyda Soomaaliya.

Halkan ka DAAWO…

Arrintan ayaa daba socota hanjabaad shalay kasoo baxday qaad iibiyeyaasha Kenya oo sheegay in ay dalkooda dartii u joojinayaan Qaadka ay Somalia ka iibiyaan, lama se oga inay tillaabadani tahay mid joogto ah iyo in kale.

Hadalsame Media