“Ilhaaneey ma ahayn inaad Yuhuuda raaligaliso.” Hoggaamiye caan ka ah Maraykanka oo ka xumaaday handadaada lagu hayo Ilhaan Cumar

0

(New York) 19 Feb 2019 – Louis Farrakhan oo ah hoggaamiyaha koox madow Muslimiin ah ayaa sheegay in xilddhibaanad Ilhaan Cumar oo ka soo jeeda Soomaaliya aysan ahayn inay raaligaliso Yuhuuda.

“Ma ahan inaad sidaas sameysid,” ayuu yiri Louis Farrakhan.

Louis Farrakhan , ayaa sheegay in Ilhaan Cumar ay kaliya ka hadashay xaqiiqada aysana habooneyn inay taas raaligalin ka bixiso iyadoo buu yiri ay dhab tahay in Yuhuuda iyo xukuumada Israa’iilba la ogyahay inay isticmaalaan lacag si ay u maamulaan siyaasiinta Maraykanka.

Louis Farrakhan ayaa sidoo kale amaanay xildhibaanad Ilhaan cumar oo ka tirsan xisbiga dimuquraadiga islamarkaana laga soo doortay Minnesota.

Ilhaan ayaa dhowaan dhaleeceyn iyo cadaadis xoog leh kala kulantay siyaasiinta Maraykanka kadib markii ay wax ka sheegtay urur yuhuud ah oo la aamisan yahay in saameyn xoog leh uu ku leeyahay golayaasha dowladda Maraykanka.

Hadalsame Media