FAARAX MACALIN:- Ma jiro dhul badeed Kenya leedahay oo Soomaaliya xaraashtay + Daawo

0

(Nairobi) 19 Feb 2019 – Afhayeenkii hore ee Baarlamaanka Kenya Faarax Macallin islamarkaana ah siyaasi rug cadaa ah ayaa si kulul uga soo horjeestay hadalkii dowladda Kenya ee ahaa in Soomaaliya xaraashtay xirmooyin goobo shidaal oo Kenya sheegtay inay leedahay.

Faarax Macalin oo ka qaybgalay barnaamij dood ah oo ku saabsanaa muranka labada dowladood ayaa sheegay in Soomaaliya ay xaq u leedahay inay sahan ka sameyso gudaha dalkeeda si ay kaga faa’iideysato qeyraadkeeda.

“Yaa wax xaraashay, Soomaaliya waxay dirtay koox la siiyay ogolaansho ah inay xog soo baan dhigto, xogtaas oo ahayd mid la soo arruuriyay kuna saabsan qayraadka Shidaalka ee ku jira Soomaaliya…. Xog arruurintaasi waxaa markii hore amarkeeda bixiyay dowladdii hore ee Soomaaliya ee Madaxwayne Xasan Shiikh Maxamuud… Waa intaas waxa ay Soomaaliya ku soo bandhigtay London,” ayuu yiri Faarax Macalin.

Xiriirka diblamaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa Mugdi galay, kadib markii dowladda Kenya safiirkeedii kala baxday Soomaaliya islamarkaana ku amartay Safiirkii Soomaaliya u fadhiyay Kenya inuu ku laabto Magaalada Muqdisho.

Kenya ayaa ku eedeysay Soomaaliya in horaantii Bishaan ay Magaalada London ku xaraashtay qeyb dhulkeeda ka mid ah oo ku yaala xaduudka labada wadan.

Kenya ayaa ka mid ah dalalka Midowga Afrika ee ciidamadu ka joogaan Soomaaliya waxaana luuqada ay u adeegsatay go’aankeeda ku aadan Soomaaliya, ey Diblomaasiyiintu ku sheegeen inay tahay mid aan wanaagsanayn oo si fiican looga fiirsan, islamarkaana laga fekerin cawaaqibka ka dhalan kara.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in khariiradaha ay sheegtay dawladda Kenya ay muujinayso badda Soomaaliya ayna waafaqsan tahay mowqifka weligeed ee dawladda Soomaaliya iyo dawcadda ku saabsan xadka badda ee hortaalla maxkamada caalamiga ah ee Hague.

Waxay kale oo ay sheegtay dowladda Soomaaliya in mowqifkaasi uu ka turjumanayo mas’uuliyadda saaran dawladda Soomaaliya ee ay ku ilaalinayso midnimada iyo madaxbannaaniddeeda siyaaso iyo dhuleed.

Somaliya ayaa intaasi ku dartay in aysan qandaraas ku bixin xidhmooyin dhuleed, qorshahana ugu jirin in ay ku bixiso wax xidhmooyin gaaska ah oo ku yaalla degaanka lagu muransan yahay ilaa inta maxkamadda caalamiga ah ee ICJ ay go’aan ka gaareyso. Sabtidii ayuu murankan soo baxay, markii Kenya ay go’aansatay inay xiriirka diploimaasiyadeed u jarto Soomaaliya.

Hadalsame Media