“Soomaaliya ugama iibsaneyno madax-banaanida dalkeena ganacsiga Qaadka.” Ganacsatada Kenya ee qaadka oo afka furtay!

0

(Nairobi) 18 Feb 2019 – Ganacsatada Qaadka ee dalka Kenya ayaa ku goodiyay inay diyaar u yihiin inay joojiyaan Qaadka ay u dhoofiyaan Soomaaliya, haddii ay dowladda Soomaaliya sii wado muranka dhinaca sohdinta badda ee labada dal.

Waxay sheegeen in xiisadda diblomaasiyadeed ee labada dal u dhaxeeysa aysan wel wel ku haynin iyaga sababoo ah madaxbanaanida dalkooda ayaa wax walba uga horeysay ogana qaalisan.

Ganacsatada jaadka ee Kenya ayaa la sheegay maalin walba ay u soo dhoofiyaan Soomaaliya 50 tan oo khaad ah waxaana dowladda Kenya khaadka ka soo gala malaayin dollar sanadkii.

“Kuma iibsan karno Qaad madax bannaanida dalkeenna.. Soomaliya waxay mar walba ku gooddisaa inay joojinayso Qaadka Kenya , si ay usoo jeediso dareenka dowladdeena Kenya,” sida waxaa yiri afhayeenka ganacsatada Qaadka Kenya, Kimithi Munjuri.

Xiriirka diblamaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa Mugdi galay, kadib markii dowladda Kenya safiirkeedii kala baxday Soomaaliya islamarkaana ku amartay Safiirkii Soomaaliya u fadhiyay Kenya inuu ku laabto Magaalada Muqdisho.

Kenya ayaa ku eedeysay Soomaaliya in horaantii Bishaan ay Magaalada London ku xaraashtay qeyb dhulkeeda ka mid ah oo ku yaala xaduudka labada wadan.

Kenya ayaa ka mid ah dalalka Midowga Afrika ee ciidamadu ka joogaan Soomaaliya waxaana luuqada ay u adeegsatay go’aankeeda ku aadan Soomaaliya, ey Diblomaasiyiintu ku sheegeen inay tahay mid aan wanaagsanayn oo si fiican looga fiirsan, islamarkaana laga fekerin cawaaqibka ka dhalan kara.

Xalay ayey aheyd markii dawladda Soomaaliya ay sheegtay in khariiradaha ay sheegtay dawladda Kenya ay muujinayso badda Soomaaliya ayna waafaqsan tahay mowqifka weligeed ee dawladda Soomaaliya iyo dawcadda ku saabsan xadka badda ee hortaalla maxkamada caalamiga ah ee Hague.

Waxay kale oo ay sheegtay dowladda Soomaaliya in mowqifkaasi uu ka turjumanayo mas’uuliyadda saaran dawladda Soomaaliya ee ay ku ilaalinayso midnimada iyo madaxbannaaniddeeda siyaaso iyo dhuleed.

Somaliya ayaa intaasi ku dartay in aysan qandaraas ku bixin xidhmooyin dhuleed, qorshahana ugu jirin in ay ku bixiso wax xidhmooyin gaaska ah oo ku yaalla degaanka lagu muransan yahay ilaa inta maxkamadda caalamiga ah ee ICJ ay go’aan ka gaareyso. Sabtidii ayuu murankan soo baxay, markii Kenya ay go’aansatay inay xiriirka diploimaasiyadeed u jarto Soomaaliya.

Hadalsame Media