(Muqdisho) 18 Feb 2019 – Qaar ka mid ah Isgoysyada muhiimka ah ee caasimadda ayaa saakay xiran waxaana la arkayay ciidamo fara badan oo ka tirsan Booliska Soomaaliyeed oo baaritaano ku haya gaadiidka islamarkaana u diidaya inay u kala gudbaan waddooyinka xiran.
Qaar ka mid ah shacabka Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Ciidamadu u sheegeen in wadooyinka caasimadda qaar kood ay xirnaan doonaan saacado kooban sidaas darteedna loo hakiyay dhaqdhaqaayadii gaadiidka dadwaynaha.
Waddooyinka xoogga la saaray waxaa ka mid ah jidka warshadaha, Sodonka iyo Wadada wadnaha, waxaana sidoo kale gaadiidka dadwaynaha laga joojiyay wadada muhiimka ah ee Maka Almukarama.
Sababta loo xiray wadooyinka ayaa la sheegayaa inay tahay, iyadoo dowladda Soomaaliya madaxdeeda sare ay ka qaybgali doonaan dhagax-dhiga wadada Ex-control Afgoye iyo Tan Ex-control Balcad oo lagu sameynayo dib u dhis.
Dowladda Qadar ayaa maalgalinaysa dib dhiska laamiga isku xira Magaalada Muqdisho iyo gobolada shabeelooyinka.
Hadalsame Media