Madaxwayne Farmaajo oo kulan gaar ah la yeeshay Danjiraha Soomaaliya ee Kenya

0

(Muqdisho) 18 Feb 2019 – Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya oo shalay dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho ayaa kulan albaabadu xirnaayeen la yeeshay Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Kulanka safiirka Soomaaliya ee Kenya Maxamuud Nuur Tarsan iyo Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa ka dhacay Aqalka Madaxtooyada waxaana safiirku warbixin dhameystiran siiyay dowladda Soomaaliya.

Fariinta uu gudbiyay safiir Tarsan kadib ayaa dowladda Soomaaliya waxay soo saartay jawaab ay ka bixisay eedaha Kenya.

Xalay ayey aheyd markii dawladda Soomaaliya ay sheegtay in khariiradaha ay sheegtay dawladda Kenya ay muujinayso badda Soomaaliya ayna waafaqsan tahay mowqifka weligeed ee dawladda Soomaaliya iyo dawcadda ku saabsan xadka badda ee hortaalla maxkamada caalamiga ah ee Hague.

Waxay kale oo ay sheegtay dowladda Soomaaliya in mowqifkaasi uu ka turjumanayo mas’uuliyadda saaran dawladda Soomaaliya ee ay ku ilaalinayso midnimada iyo madaxbannaaniddeeda siyaaso iyo dhuleed.

Somaliya ayaa intaasi ku dartay in aysan qandaraas ku bixin xidhmooyin dhuleed, qorshahana ugu jirin in ay ku bixiso wax xidhmooyin gaaska ah oo ku yaalla degaanka lagu muransan yahay ilaa inta maxkamadda caalamiga ah ee ICJ ay go’aan ka gaareyso. Sabtidii ayuu murankan soo baxay, markii Kenya ay go’aansatay inay xiriirka diploimaasiyadeed u jarto Soomaaliya.

Hadalsame Media