Manchester United oo adduun dhan €102m ku doonaysa Kalidou Koulibaly

0

Kooxda Manchester United ayaa diyaarinaysa dalab ku kacaya €102m oo euro oo ay ku doonayso daafaca adag ee Kalidou Koulibaly, maalin uun kaddib markii uu sheegay qanaacadiisa Napoli.

Laacibkan caalamiga ah ee reer Senegal oo wax laga waydiiyay xiisaha kooxaha waawayn ayaa RAI Sport ku yiri: “Waa wax lagu farxo balse waxaan doonayaa inaan muujiyo in ay Napoli tahay naadi sare.”

Yeelkeede, waloow ay taasi jirto misna warqaadyada Ingiriiska ayaa dhigaya in Koulibaly uu doonayo u wareegista Premier League.

Waloow lala wada xiriirinayay Chelsea, Arsenal iyo Manchester City, Manchester United ayaa u muuqata kooxda ay ka go’an tahay helitaankiisa, The Sun ayaana qoraya in Ole Gunnar Solskjaer uu qalinka saaray qorshe ku kacaya £90m oo gini.

Laacibkan 27-jirka ah ee dambeedka dhexe ayaa bishii Sebtembar uun saxiixay qandaraas kordhin soconaysa Juun 2023.

Hadalsame Media