(Nairobi) 17 Feb 2019 – Sida ku cad qodobka 14aad ee qooraalka Kenya xiriirkii diblamaasiyadeed ugu jartay Soomaaliya, waxaa dowladda Kenya ay sheegtay inay martigalisay qaxooti Soomaaliyeed oo ka badan Nus Malyan iyo dad Soomaaliyeed oo dalkeeda Magangalyo u doontay.
Qoraalka dowladda Kenya oo ahaa mid wareer qaawan ah ayaa lagu sheegay in xeryaha qaxootiga Kenya ee ay dadka Soomaaliyeed ku jiraan ay noqdeen goobo burcad iyo argagixiso halkaasoo sida Kenya sheegtay laga soo abaabulo weeraro iyo falal dambiyeedyo gurac sida warka loo dhigay.
Kenya ayaa sheegtay inuu dhamaaday dulqaadkii sida ay sheegtay shacabka Kenya sababo la xiriira joogitaanka Soomaalida ku nool dalkeeda gaar ahaan Nairobi iyo xeryaha qaxootiga.
Qoraalka dowladda Kenya oo ka kooban 15 qodob ayaa sidoo kale lagu sheegay in Kenya aysan marnaba ka waaban doonin inay dhulkeeda ka difaacato Soomaaliya qiimo kasta haku baxaane.
Dowladda Kenya ayaa qoraalkeeda ku sheegtay in Soomaaliya ay tahay Cadaw deris la ah sida wararka loo dhigay.
Hadalka Kenya ayaa layaab ku noqday dadka ka faalooda arrimaha diblamaasiyadda sababtoo ah xiriirka dheer ee kala dhaxeeya Soomaaliya, xili ay ciidamadeedu ku sugan yihiin Koonfurta Soomaaliya, waxaana falanqeeyaasha siyaasadda gobolka sheegayaan in dowladda Kenya aysan ka fiirsan cawaaqibka ka dhalan kara weerarkaan diblamaasiyadeed.
Hadalsame Media