
(Qoryooley) 17 Feb 2019 – Wararka laga helayo degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegaya in xaaladu ay degan tahay saakay kadib markii halkaasi xalay uu ka dhacay dagaal culus.
Dagaalkan ayaa yimid kadib markii ururka Al-Shabaab weeraro ku qaaday xarumaha maamulka degmada waxaana halkaasi ka dhacay dagaal muddo qaatay, iyadoona wararku sheegayaan in khasaare uu soo gaaray labada dhinac.
Saraakiil ka tirsan Maamulka degmada ayaa sheegay inay iska caabiyeen weerar gaadmo ah oo ay Al-Shabaab ku soo qaadeen waxaana sidoo kale jira warar sheegaya in masuuliyiin ka tirsan maamulka ay ku dhaawacmeen dagaalkaasi.
Ciidamada dowladda ayaa baaritaano ka wada saakay guud ahaan xaafadaha degmada Qoryooley iyo daafaheeda waxaana caadi ku soo laabtay ganacsigii iyo isku socodkii degmada.
Dhinaca kale wararka laga helayo gobolka Bakool ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Soomaaliya ay dileen sarkaal la sheegay inuu al-Shabaab u qaabilsanaa waxa loogu yeero Zakawaadka.
Hadalsame Media