Danjire Tarsan oo soo gaaray Muqdisho kadib go’aankii ka soo baxay dowladda Kenya

0

(Muqdisho) 17 Feb 2019 – Danjiraha Soomaaliya u fadhiyay dalka Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa soo gaaray Magaalada Muqdisho maanta kadib markii Dowladda Kenya ay ka soo ceyrisay dalkeeda.

Kenya ayaa xiriirka Diplumaasiyadda u jartay Soomaaliya iyadoona sida ay sheegtay ku eedeysay Soomaaliya inay kusoo xad-gudubtay dhulkeeda, sidoo kalena ay damaanad qaad u qaadatay taageerada ay siiso.

Xoghayaha joogtada ee Wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya Mr Macharia Kamau ayaa sheegay in Kenya aysan marnaba iska indha tiri doonin arrinkan, isagoona weerar toos ah ku qaaday Soomaaliya.

Diyaarada uu la socday  Danjire Tarsan, ayaa waxaa saarnaa Marwada Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda dowladda Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa laga sugayaa go’aanka ay ka qaadan doonto hadalka soo baxay Kenya.

Dowladda Kenya ayaa qoraalkeeda ku sheegtay in Soomaaliya ay tahay Cadaw deris  la ah sida wararka loo dhigay.

Hadalka Kenya ayaa layaab ku noqday dadka ka faalooda arrimaha diblamaasiyadda sababtoo ah xiriirka dheer ee kala dhaxeeya Soomaaliya, xili ay ciidamadeedu ku sugan yihiin Koonfurta Soomaaliya, waxaana falanqeeyaasha siyaasadda gobolka sheegayaan in dowladda Kenya aysan ka fiirsan cawaaqibka ka dhalan kara weerarkaan diblamaasiyadeed.

Hadalsame Media