Xisbiga Kulmiye ee hoggaamiya Somaliland oo labo garab u kala jabay + Sawirro

0

(Hargeysa) 16 Feb 2019 – Xisbiga haya talada Somaliland ee Kulmiye ayaa la sheegayaa in labo garab oo u kala jabay waxaana arrintaasi sabab u ah khilaaf soo kala dhexgalay madaxda Xisbigaasi.

Khilaafkan waxaa sabab u ahaa kadib markii xubno ka tirsan xisbiga Kulmiye laga saaray xisbiga waxaana intaas kadib soo shaac baxay in xubnihii laga saaray xisbiga ay abuuraan dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed kuwaas oo hadda ku dhawaaqay garab cusub.

Dhaqdhaqaaqaan cusub oo loogu yeero Garabka Toosinta Dimuqraadiyada Xisbiga KULMIYE ayaa maanta Magaalada Hargeysa ku soo bandhigay sababta ay u sameeyeen dhaqdhaqaaqaan cusub.

Waxay sheegeen in Xisbiga Kulmiye jahadii saxda ahayd ee loo sameeyey laga leexiyay islamarkaana la doonayo in dhabihii saxda ahaa lagu soo celiyo sida ay sheegeen xubnahaasi siyaasiinta ee ka tirsan Kulmiye.

Siyaasiyiintan ku dhawaaqay garabka cusub Waxaa hogaaminaya Xog-hayihii Golaha Dhexe Ee Xisbiga Kulmiye Jaamac Shabeel kaasoo horey xisbiga Kulmiye looga eryay kadib markii uu dhaliilo kulul hawada u marayay Madaxwaynaha Soomaliland Muuse Biixi Cabdi.
Sawirka Cabdirahman Carab Daaud.
Sawirka Cabdirahman Carab Daaud.