Xildhibaan qirtay inuu ROOTI Xaday iskana casilay xilkiisii, isagoona magac u bixiyay falka uu sameeyay

0

Darij Krajčič oo ka tirsan xisbiga haya talada dalka Slovenia ayaa iska casilay xubinnimadii Baarlamaanka dalkaasi kadib markii uu ka hor sheegay barlamaanka inuu rooti ka xaday goob dukaan ah.

Rootiga uu sheegay inuu ka qaatay dukaanka ayaa ah nuuca Soomaalidu u taqaano Haan-beegarka oo hilib iyo xoogaa qudaar ah la dhexgaliyo.

Siyaasigaan dhowaan galka ah oo cimrigiisa lagu sheegay 54 sanno jir ayaa haysta shahaadada PhD waxaana uu ka qalin jabiyay kulyada cilmiga dhirta.

Waxaa uu ka tagay Aqalka baarlamaanka waxaana uu doontay Rooti isagoona markii uu tagay dukaanka ay ku qaadatay waqti dheer inuu sugo, halkaasi oo sadex ka mid ah shaqaalaha dukaanka ay iska sheekaysanayeen oo isna uu waayay cid la hadasha oo u adeegta.

Kadib waxaa uu iska hubiyay haddii dukaankaasi uu lee yahay kaamirooyinka qarsoon ee wax duuba kuwaas oo sheegi kara haddii si xatooya ah dukaanka wax looga qaato iyadoon la ogeyn, Mr. Darij Krajčič ayaa sidaas ka hor sheegay kulan ay yeesheen guddiga baarlamaanka u qaabilsan beeraha iyo xannaanada xoolaha.

“Kadib rootiga ayaan iska soo qaatay, waana iska soo tagay, ma jirin cid isoo daba gashay, ama igu qeyliyay…. Taa micnaheedu waxaa uu ahaa in dukaankaasi uu lee yahay kaamirooyinka qarsoon, ee dusha wax ka illaaliya,” ayuu yiri Darij Krajčič

Darij Krajčič ayaa sheegay in tani ay tahay markii ugu horeysay oo wax nuucaas ah uu sameeyo, waxaana sheekadiisa aad ugu qoslay asaxaabtiisa ku jira Baarlamaanka dalkaasi.

Isagoo Qamiistii la hadlayay saxaafadda ayaa hoggaamiyaha xisbiga muxaafadka dalkaasi Brane Golubović waxaa uu sheegay in falka uu sameeyay Mr. Darij Krajčič aan la ogoleyn, sidaas darteedna uu xilkiisa isaga casilay.

Golobović ayaa ku sifeeyay Krajčič ruux aad u wanaagsan oo qabiir ah laakinse uu ka shalaynayo falkaasi dhacay isagoona bulshada dalkaasi ka raali galiyay.

“Haddii aan rabno inaan raacno qiyamka iyo mabaa’diida xisbigeena LMŠ, waa inaan qaadano masuuliyada falkaasi. Sidaas darteed waa uu ogolaaday waana uu iscasilay,” ayuu yiri hoggaamiyaha xisbiga muxaafadka ah.

Krajčič ayaa sidoo kale dib ka bixiyay lacagta Rootigii uu qaatay wuxuuna sheegay in waxa uu sameeyay aysan tuuganimo ahayn ee ay ahayd tijaabo bulsho.

Hadalsame Media