(Nairobi) 17 Feb 2019 – Maxa Cusub? Warar aan ka helayo Safarada Soomaalia Ee Kenya ayaa ii xaqiijiyay in Booqashadii Raisalwasaraha Soomaalia Ee Nairobi lagu soo hadal qaaday in la joojiyo Shirka London Ee Arimaha Shidaal looga hadlayay waxana arintaasi La hor dhigay Raisalwasare Xasan Cali Kheire .
Raisalwasare Xasan ayaa u sheegay Madaxwayne Kenyata in Wixi Soomaalia laga soo Saarayo Barigeeda iyo Badeeda uusan gorgortan ka geli karin.Waxa uu intaasi raaciyay in dib ay usoo xiriiri donaan sidaasina uu Kaga soo dhoofay Kenya.
Wixi intaasi ka dambeyay Uhuru wax war ah ma uusan ka helin Xukuumada Soomaaliya Waxayna soo dadajisay in Kenya ay u yeerato Safiirkeeda Muqdisho isla markaana ay Cayrisay Safiirkii Soomaaliya Ee Kenya .
Warar hada aan ka helay Villa Soomaaliya ayaa sheegaya in uu socdo kulan gaar ah oo u dhaxeeyo Madaxda sare Ee Dalka kasoo looga arinsanayo go’aanka Kenya .
Waxaa Diyaariyay: Salmaan Jamaal Saciid
Hadalsame Media