(Hargeysa) 16 Feb 2019 – Wararka laga helayo Magaalada Hargeysa ee maamulka Somaliland ayaa sheegaya in xabsiga laga sii daayay Cabdiraxmaan Axmed oo isagu ah Agaasime waaxeedka qorsheynta ee wasaarada Warfaafinta dawladda Federaalka ee Soomaaliya.
Cabdiraxmaan Axmed ayaa 12 cisho kadib shalay xabsiga laga siidaayey waxaana loo soo masaafuriyay Magaalada Muqdisho. .
Sida uu fahan yahay Warsidaha Hadalsame Media waxaa Cabdiraxmaan Axmed lagu eedeeyay inuu si sharci darro ku soo galay Somalilad oo isku aragta inay tahay maamul ka madaxbanaan Soomaaliya.
Cabdiraxmaan Axmed ayaa sababta uu u tagay Somaliland ku sheegay inay ahayd booqasho oo ku doonayay inuu ugu tago qoyskoodda oo degan magaalada Gabiley, laakinse waxaa xiray ciidamada booliska Somaliland.
Waxaa xabsiga laga sii daayay maalin kahor waxaana si qasab ah loogu armay inuu ku laabto Magaalada Muqdisho.
Maamulka Somaliland ayay caado u noqotay in cid kasta oo ka soo horjeeda go’aankeeda gooni goosadka ay u aragto cadaw islamarkaana ay ku qasabto inay ka ma saa furiso dhulkeeda.
Dhowaan waxaa soo baxay warar sheegaya in wasiir hore uga tirsanaa maamulka Somaliland ay soo gaareen Magaalada Muqdisho waxaana masuuliyiin ka tirsan maamulka Somaliland sheegeen in wasiiradaasi ay sameeyeen wax laga xumaado, ayna tahay ceeb inay Muqdisho tagaan.
Hadalsame Media