(Muqdisho) 16 Feb 2019 – Waxaa kulan deg deg ihi haatan ka soconayaa Madaxtooyada Somalia, taasoo ay DF Somalia uga arrinsanayso wixii ay ka yeeli lahayd go’aankii lama filaanka ahaa ee galabta kasoo baxay Kenya.
DF Somalia ayaa lagu wadaa inay taxaddar leh shacabka Soomaaliyeed ugu sharraxdo moowqifkeeda iyo sida ay ula yaabban tahay go’aanka degdegta ah ee Kenya.
Sidoo kale, Hadalsame ayaa helaya xog ku saabsan inay DF Somalia caddayn doonto inay si kastaba ku difaacayso madax bannaanida geyi ee dhulka iyo badda Soomaaliyeed.
Hordhacan kaddib, waxaa lagu wadaa inay berri dowladda Somalia ay soo saarto bayaan rasmi ah oo qodobaysan oo ay ku faahfaahinayso moowqifkeeda iyo jawaabta rasmiga ah ee ay ka bixinayso go’aanka Kenya.
Sida aan warka ku heleeyno, DF Somalia ayaan farsamo ahaan doonayn inay xaaladda sii cakirto (diplomatic escalation), balse wax kasta waxay ku xirnaan doonaan wejiga ay arrintani qaadato maalmaha yar ee soo aaddan.
Hadalsame Media