DAAWO: ”Waxaad tahay dembiile & beenloow!” – Ilhaan Cumar oo kabaha la dul martay ergayga uu Trump u magacaabay Venezuela

0

(Washington, DC) 14 Feb 2019 – Xildhibaanadda Minnesota ku metesha Aqalka Wakiillada ee Ilhan Omar ayaa kabaha kula istaagtey markii uu Elliott Abrams oo ah dembiile dagaal iyo beenloow uu soo istaagey Guddiga Xiriirka Caalamiga ah ugu qaybsan Aqalka Wakiillada oo ay Ilhaan ka mid tahay.

Abrams, oo maamulka Trump ugu magacaaban ergayga gaarka ah ee Venezuela oo lagu hayo afgembi tartiib tartiib ah oo isagoo taagan xilkii loogu haysto madaxwaynaha dalkaasi ee Maduro oo Maraykanka ku madax adkaaday, ayay Ilhaan si toos ah gantaalaha ugu cabbaysatay.

Abrams, oo ka mid ahaa raggii gacanta midig u ahaa Ronald Reagan ee ay kusoo baxday fadeexaddii Iran-Contra oo ku saabsanayd hub uu Maraykanku si qarsoodi ah uga iibiyay Iiraan si uu lacagta kasoo baxda ugu hubeeyo jabhaddii Contra ee ka dagaallamaysay Nicaragua, isla markaana dembi dagaal iyo beeni ku caddaatey kahor intii aanu markii dambe cafinin George H.W. Bush, ayay Ilhaan si cad u waydiisey:

“Waxaanan fahmi karin sababta ay xubnaha guddigani, ama xitaa shacabka Maraykanku ay maanta kaaga akhrisan karaan marqaati furkaaga.”

Abrams ayaa deeto isagoo bus iyo siigo isku rogaya si uu moowduuca ugu rogo sidii dhibbane loo gefey soo boodey, balse Ilhaan oo aan u joojin ayaa si kalsooni leh dabkiisii u bakhtiisay, iyadoo ugu war celisey , “Taasi su’aalba igama ahayn … ku mahadsanid ka qayb qaadashadaada.”

Way sii wadatoo waxay soo khuftay xasuuqii 1981 El Mozote, halkaasoo ay ciidamo jabhad ah oo uu Maraykanku tababaray ay khaarajiyeen 800 oo rayid ah intii uu socdey dagaalkii sokeeye ee uu Maraykanku shidayay ee El Salvador sanadihii 1980-meeyadii.

Cumar oo sii wadata ayaa waydiisey:

“In ka badan 800 oo rayid ah, oo ay ku jiraan carruur aad u yar oo ay qaar 2 jir ahaayeen, ayaa si xun loo laayay … Intii uu xasuuqaasi socdey qaar ka tirsan jabhaddaasi waxay ku faaneen inay kufsadeen gabar 12-jir ah kahor intii aysan dilin. Waxaad mar dambe sheegtay in siyaasaddii Maraykanka ee El Salvador ay ahayd ‘guul cajiib ah.’ Weli ma qabtaa sidaas?”

Deeto Abrams oo aan wax dareen ah u muujinaynin silicii ay sababtay siyaasaddii cilaysnayd ee uu Maraykanka geed fadhiga ugu ahaa Laatiin Ameerika oo uu weli usii hanqal taagayo, ayaa su’aashaasi uga jawaabey qiil ah in ”ay guul tahay maadaama ay maanta dimoqraadiyadi ka jirto” El Salvador – oo ah dal la dhiig baxaya dhaqaale xumo, dembiyo abaabulan iyo qaxooti.

“Haa ama maya,” ayay Cumar ugu celisey. “Ma waxaad qabtaa in xasuuqaasi ahaa ‘guul cajiib ah’, oo dhacay annagoo daawanayna?”

Kaddib wuxuu Abrams iska galay dood ah in si sakhsi ah loo weeraray oo la waydiiyay su’aalo lagu qoslo.

WAA AYO ABRAMS?

Waxaa Isku Duwey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media