(Moscow) 14 Feb 2019 – Ruushka ayaa sheegay inuu maraakiibtiisa dagaalka ku xirey hub nooc cusub ah oo keenaya inay askarta cadowgu si KMG u indha beelaan, isla markaana ay arkaan ama maqlaan wax aan jirin ama ay matag ku waashaan.
Laba markab oo uu Ruushku leeyahay ayaa lagu xirey hubkan cusub ee halsta ah, kaasoo la yiraahdo 5P-42 Filin (eagle-owl), iyadoo ay shirkaddii samaysay u sheegtay RIA Novosti, in hubkan loo naqshadeeyay inuu cadowga indha tiro.

Intii tijaabada lagu jirey, waxaa mutadawiciinta loo qaybiyay qoryo ay ku jiraan kuwa darandoorriga u dhaca, iyagoo loo sheegay inay toogtaan bartilmaameed 2 KM u jira oo uu qalabkaasi ilaalinayo, ha yeeshee, midkoodna wuxuu awoodi waayay inuu toogto, waayo “waxaysan arki karin bartilmaameedka dhan.”
Hadalsame Media