DAAWO: Gabar Soomaaliyeed oo Sweden u sharraxday muhiimadda diinta Islaamka

0

(Stockholm) 13 Feb 2019 – Carruurta ku dhalata ama ku barbaarta qurbaha qaar badan oo ka tirsan wuxuu dhib ka qabsadaa isu miisaamidda dhaqamaddii ay ka yimaadeen iyo mid ay u yimaadeen, Xaliimo Cali oo ah gabar Soomaaliyeed oo 19 jir ihina kama baxsana arrintaas, balse waxay raacday jidka toosan.

Xaliimo oo uu waraystay hilinka ugu wayn Sweden ee SVT, ayaa waxay sheegtay inuu sii xoogaystey iimaankeeda Ilaahay markii ay isku daysay inay jawaabo u raadiso arrimaha la xiriira jiritaankeeda, iyadoo sheegtay inay dareemayso nabadda ruuxiga ah ee Islaamka.

Dalka Sweden oo ah mid cilmaani ah, inta badan dadka ku nool diin noocii ay ahaataba uma arkaan wax noloshooda muhiimad iyo micne u leh, balse Xaliimo Cali ayaa TV-ga u sheegtay sida uu qofku ugu baahan yahay awood kale oo isaga ka xoog badan, oo aad aaminsan tahay.

”Marka ay nolol maalmeedku igu adkaato waxaan u jeestaa dhanka Ilaahay oo ii ah mid ii dhow sida saaxiib, si aan xoog ugu yeesho xaaladaha nololeed eesha dhibka iyo diiqadda badan.” ayay tiri Xaliimo.

Halkan ka daawo waraysiga ay Xaliimo siisay SVT

 

Hadalsame Media