Nin ka taajirey £30,000 oo uu hooyadii ka XADAY! + Sawirro

0

(Cheltenham) 12 Feb 2019 – Nin dhanka webabka ka lacagaystay ayaa hantidaa ka sameeyay £30,000 oo gini oo uu ka xaday kaarka lacageed ee hooyadii taasoo uu ganacsi ku bilaabay isagoo 17 jir ah – taasoo keentay in uu maanta haysto £150milyan oo gini.

Andrew Michael, oo kasoo jeeda magaalada Cheltenham, England, ayaa sameeyay website adeegyo dhanka email-ka iyo adeegyada ah siiya sharikaadka waawayn sanaddii 1997-kii – balse wuxuu u baahday internet fibre optic si uu ganacsigiisa u ballaariyo.

Wuxuu markaa u baahday baallooyin u qoda hogagga la dhigayo kayballada, wuxuuna deeto ku dhaqaaqay inuu lacagtii loo baahnaa ka isticmaalo kaarka hooyadii (credit card) iyadoo aan ogayn.

Nasiib wanaag, way u hirgashay, waxayna Mr Michael iyo jaalkiisa ganacsi ee Alex Wilding ay markiiba bilaabeen inay lacag shabsadaan.

‘Markii ay bishu dhamaatay waxaan helnay macaamiil nagu filan iyo lacag aannu iskaga bixinno internet-ka, iidhehda iwm, kaddibna way noo kala kacday,’ ayuu Mr Michael u sheegay barnaamijka BBC ka baxa ee The Boss.

Hadalsame Media