Ilhaan Cumar oo mar kale ”baxar gashay!” & talo iyo taageero ay u baahan tahay! (Maxaa dhacay?)

0

(Washington, DC) 12 Feb 2019 – Gabadha ku cusub Koongarayska Maraykanka, gaar ahaan Aqalka Wakiillada ee Ilhaan Cumar ayaa raalli gelin ka bixisay farriin ay soo dhigtay boggeeda Twitter-ka oo lagu tilmaamay ”duurxul Yuhuud nacayb ah!”.

Axaddii, waxay Cumar u jawaabtey tweet uu sameeyay weriye Glenn Greenwald oo u akhrismayay, “In hoggaamiyaha Jamhuuriga (GOP) ee Kevin McCarthy uu ciqaab ugu hanjabey @IlhanMN iyo @RashidaTlaib oo lagu haysto dhaliil ay u jeediyeen Israel. Isagoo dood geliyay sababta ay difaacidda dal shisheeye halis u gelineeyso xitaa xorriyadda hadalka dadka Maraykanka.”

Ilhaan ayaa deeto tweet-kaas uga af celisey sidatan, “Wax kastaba waa Benjamins (magac ay Yuhuuddu aad ula baxdo),” markii ay halkaa taagan tahay, iyadoo horraanba loogu haystey tweet ay Israel uga horjeeddey 16-kii Nofeembar 2012, ayay labadii aqal ee koongarayska oo ay xitaa ku jiraan siyaasiyiin ka tiran isla xisbigeeda Dimoqraadigu ay hareereeyeen oo af labadii wada yeereen, iyagoo ku dhega barjaynaya waxan oo dhaliil, handadaad xil ka qaadis iyo raalli gelin khasab ah oo loo jeediyay, waxaana dadka weeraray xitaa mid ah Chelsea Clinton, halka Nancy Belosi oo ah duqda horkacda Aqalka Wakiilladu ay u sheegtay inay deg deg raalli gelin u bixiso.


Ilhaan ayaa raalli gelintii bixisay, iyadoo markale ku khasbanaatay inay sharraxaad dheer ka bixiso ujeedka hadalkeeda oo ay ku tilmaantay mid aan ahayn sida loo fasiray oo ah ”Yuhuud nacayb” oo ah halku dheg lagu aamusiyo qof kasta oo Yuhuuda dhaliila, sida dalalka kale, yeelkeede, waxay sii durtay isla kooxdii lagu haystey ee AIPAC, oo ah ururka adduunka ugu wayn ee u ololeeya siyaasadda Yuhuudda iyo NRA oo ah Jamciyadda Qoryooleeyda Maraykanka oo u dhaqdhaqaaqa xagga ay dadka Maraykanku u leeyihiin inay hub haystaan oo ku xusan Qodobka 2-aad ee Dastuurka Dhexe ee Maraykanka (Second Amendment).

ILHAAN TALO & TAAGEERO AYAY NOOGA BAAHAN TAHAY!

Anigoo dareemi kara, dareenka, insaaniyadda iyo sida ay ula tacaadufeeyso dadka reer Falastiin oo ah wax ku wada jira qof kasta oo dadnimo leh, iyo sida ay uga hadleeyso isku xirnaanta siyaasadda Maraykanka oo ay dad badani ku tilmaamaan mid ay xukunto Israel, saasoo ay tahay, xayndaabka hoose ee siyaasadda gudaha Maraykanku inta badan ma lahaato midabbo iyo muuqaallo sidaa u firfircoon (political activism) oo Falastiin taageera ama Israel dhaliila oo kasoo baxa halka laga gooyo talada Maraykanka.

Nasiib darro waa sida ay u taxan tahay siyaasadda Maraykanku, waloow uu qofku wax uun qaban karo isagoo aan is mutixin, waayo is mutaxaaddu waxay ku tuuraysaa adigoo aan weli gaarin meeshii aad higsanayay, waana khasaaro in bilowgiiba lagaa dhigo duke cambaar leh, sida ugu wanaagsan ee aad wax u bedeli karto waa adigoo ku daabnaada isla markaana adeegsada awoodda iyo saamaynta qaar ka mid ah isla kuwa aad bartilmaameedsanayso.

Hal arrin oo ay tahay in Ilhaan Cumar si wanaagan loogu sharroxo waa inay wax badan ka fikirtaa farriimaha ay direeyso, inay garowsato makaanadda ay ku leedahay shacabka Maraykanka, cuqdadaha loo hayo iyo booca awalba loogu kutubayo, ka ahaanta gabadhii ugu horreeysey ee qamaar la dhex gasha qaacada Aqalka Wakiillada, iyadoo salkeedu yahay bulsho ka mid ah kuwa ugu yar dalkaasi oo aan weliba isku xirnayn.

Sidoo kale, waa inay garowsataa saamaynta aan caadiga ahayn ee ay Yuhuuddu ku leedahay siyaasadda, dhaqaalaha, warbaahinta iyo bulshada Maraykanka oo aysan jirin cudud u dhiganta xita tan caddaankana koleey ku tahay, sidaa darteed, xitaa marka aad doonayso inaad dhaliisho waa in aad looga fogaadaa wax kasta oo muujin kara in aad Yuhuudda qoowmiyad ahaan u beegsanayso.

In kastoo ay adag tahay in lakala saaro Yuhuud iyo Israel, misna waa kala laba, tusaale ahaan, Yuhuudda waxaa ka mid ah kuwo isla Ilhaan u codeeyay ee ku nool halka laga soo doortay (constituency) oo ay sidaa darteed mas’uul u tahay, waxaa kale oo ku jira kuwo Falastiin taageera oo gebi ahaanba kasoo horjeeda dowladda Israel oo ay ku tilmaamaan mid ‘baadil ah” oo aanu kitaabkoodu qabin in la dhiso.

Sidoo kale maadaama ay Ilhaan lafteedu kasoo jeeddo qoowmiyad ku tira yar Maraykanka waxay Yuhuudda Maraykanka u kaashan kartaa gaarista dhowr hadaf oo ay wadaagi karaan oo aan iyada teeda waxba u dhibaynin, laakiin haddii ay kuu arkaan inaad iyaga neceb tahay waa ciyaar dhamaad.

Isku soo xooriyoo, Ilhaan Cumar oo ah qof burjaawi ah oo dad badan ka raaridi karta ra’yigeeda, waxaa u wanaagsan, haddii ay doonayso inay mustaqbal siyaasadeed ku yeelato Maraykanka oo ay gaarto meel ka sarreeysa meesha ay haatan joogto oo ay go’aan miisaan leh ka gaari karto inay dareenkeeda xakamayso oo ay arrimo badan si taxaddar leh iyo luuqad waadax ah oo aan fasiraado kala duwan laga bixin karin adeegsato, waayo marka cidda aad bartilmaameedsanaysaa si hordhac ah usii fahamto moowqifkaaga iyaga ku aaddan, waxay si fudud kuugu adeegsanaysaa saamaynta ay leedahay oo ka xoog badan middaada.

Hoos ka arag qaar ka mid ah tweets-kii la is dhaafsaday.


Waxaa Diyaariyay: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media