DHEGEYSO: KULAYL & QABOOW….Jawi kala jaad ah oo laga digayo

0

(Stockholm) 12 Feb 2019 – Hay’adda Saadaasha Hawada Sweden ee SMHI ayaa soo saartay digniin heerka 1-aad ah oo ku aaddan baraf dhac mahiigaan ah oo laga filayo woqooyiga Sweden, halka qaybta koonfureed ee dalka laga cabsi qabo tigaadda cowska oo gubata kulayl dartii.

Qaybaha woqooyi ee Sweden ayaa waxaa dhibaato ku haya qaboowga ba’an ee jiilaalka, halka ay koonfurta ka jirto cimilo qallalan oo diirran, taasoo xitaa gaarsiisan heer cabsi laga qabo cowska oo gubta jihada koonfureed ee Sweden, waxaana qaybaha ay cabsidaasi ka jirto ka mid ah magaalooyinka Blekinge iyo Österlen oo dhaca bariga gobolka Skåneland, sida ay ka digeeyso SMHI.

– Waa hawo qallalan oo dhalin karta inuu gubto cowskii sanadkii hore, ayay tiri Moa Hallberg oo ah khabiirad cilmiga saadaasha hawada ah oo ka tirsan SMHI oo la hadlaysay wakaaladda wararka Sweden TT.

Arrintan ayay dadka qaar u fasirteen inay tahay astaan muujinaysa in uu gugii soo dhaqsaday, balse Moa Hallberg ayaa sheegtay in waloow ay taasi dhici karto, aan misna meesha laga saari karaynin inay cimiladu markale is rogto oo misna la galo qaboow ba’an.

Yeelkeede, buuraleeyda gobollada Lapland iyo Jämtland ee dhanka woqooyi ee Sweden astaamahaasi gugu kama jiraan. SMHI ayaana soo saartay qaylo dhaan dabaqadda 1-aad ah oo ka digeeysa baraf dhac ba’an oo dabaylo babisa ah xambaarsan, iyadoo ay sii darnaan karto digniinta dhanka Jämtland oo sii taagnaan doonta tan iyo berri oo Arboco ah.

Qaybo badan oo ka mid ah dalka, jawigu wuxuu kusoo noqon karaa si caadi ah wixii loo gaaro berri oo Arboco ah, iyadoo uu heerkulku eber kasoo kici karo meelo gaarsiisan ilaa koonfurta gobolka Norrland.

‘’Waa jawi yara diirran, waxayna u muuqata inay cimiladu caadiyoobayso, taasoo sii socon karta todobaadkan, balse inuu meelaha qaar gugii ka bilaabmay, waa arrin ay weli deg deg tahay in laga jawaabo, ayay tiri Moa Hallberg.

Hadalsame Media