RASMI: Holland oo reer Falastiin u samaynaysa arrin aysan ka helin dalal badan oo uga dhow!

0

(Hague) 11 Feb 2019 – Dowlada Holland ayaa ku dhawaaqday inay aqoonsanayso dhulalka Falastiin ee Marinka Gaza iyo Daanta Galbeed, oo ay ku jirto Bariga Qudus, kuwaasoo ay u tixgelin doonto waraaqaha dhalashada ee ku qoran kaddib dhismihii Israel.

Waloow aysan tani ka dhignayn in Netherlands ay Falastiin u aqoonsanayso dal ahaan, waxay tixgelinaysaa oo ay aqoonsanaysaa kaararka ay sitaan Falastiiniyiinta dhashay wixii ka dambeeyay Maajo 15, 1948-kii, taasoo ku beegan dhamaadkii sharciyaddii Britain oo dhulkaa xukumaysey.

Arrintan ayaa waxaa magaalada Hague, oo ah fadhiga xukuumadda Holland, uga dhawaaqay Raymond Knops, iyadodo war kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha dalkaasi uu caddaynayo in si rasmi ah Marinka Gaza iyo Daanta Galbeed lagu darayo liiska dhulalka la gelin karo diiwaanka dad dhigaalka ee dalkaasi Holland.

Hadalsame Media