”Sarri wuxuu Chelsea ka dhigay sida Arsenal!” – Jamie Carragher + Sawirro

0

(Manchester) 10 Feb 2019 – Kooxda Blues ayaa waxaa ku dhacday ciyaar bahdil ah iyadoo 4-0 lagu nasiyay kulan ka dhacay Etihad Stadium muddo 25 daqiiqo uun ah, ciyaar ku dhamaatay 6-0.

Chelsea ayaan guul gaarin amaba aan xitaa gool dhalin dhamaanba kulamadii ay bannaanka kusoo ciyaartay sanadkan 2019, iyadoo ay 2-0 uga soo badisay Gunners 2-0 halka ay Bournemouth 4-0 soo dirtay.

Carragher ayaa se nabarrada kasii danqiyay isagoo leh: “Waxaan iri Chelsea waa ceebaysan tahay mararka qaar, gaar ahaan kulamadii Arsenal iyo Bournemouth.”

“Eeg Sarri, waxa ugu xun ee aan oran karo waa inuu Chelsea ka dhigay Arsenal. Kulamada adag oo idil waa la garaacayaa maxaa yeelay aad bay daciif u yihiin, taasi awal ma jiri jirin.” ayuu raaciyay.

Hadalsame Media