DAAWO: Raxantii ugu badnayd ee dayuurado ah oo mar qura hawada gala (Rikoodh cusub)

0

(Fort Bragg) 09 Feb 2019 – Wax lagu tilmaamay raxantii ugu ballaarnayd dunida dayuurado helakobtor ah oo mar qura hawada wada gala isla markaana rikoodh cusub ah ayaa ka dhacday Maraykanka.

Dayuuradahan oo gaaraya 32 ayay hawada ku galeen Kooxda Koowaad ee Qaybta 17-aad oo hoos tagta Guutada 82-aad ee Ciidamada Cirka ee ay leeyihiin kuwa lugta Maraykanka ee US Army waxaana lagu qabtay qalcadda Fort Bragg, oo ku taalla gobolka North Carolina.

Wuxuu ahaa duullimaadkii ugu dambeeyay ee raxanta OH-58D (R) Kiowa Warrior Helicopter oo ka howlgabaya adeegga ciidamada Maraykanka, gaar ahaan kuwa lugta (US Army inventory).

Ujeedka rikoodhkan loo dhigay ayaa lagu sheegay mid la doonayay in lagu maamuuso dhamaan ragga iyo haweenka ka tirsanaa kooxda Kiowa Warrior.

FG: Haddii aad ku jahawareertay ciidamada cirka ee ay leeyihiin kuwa lugtu, micnuhu wuxuu yahay in qayb kasta oo ka tirsan ciidamada Maraykanku sida dhulka, badda, cirka iwm ay leeyihiin dhamaanba qaybaha kale.

Tusaale, kuwa baddu waxay sidoo kale leeyihiin cir iyo dhul.

Halkan hoose ka DAAWO…

Hadalsame Media