DAAWO: Hindiya oo samaysay dayuuraddii ugu horreeysey ee rakaab ah + Sawirro

0

(Bangalore) 09 Feb 2019 – Mashruuca Saras project oo dib oodda looga qaaday 2016 kaddib markii ay hal dayuurad oo tijaabo ahayd dhacday 2009. Hadda waxaa dhacay laba tijaabo oo guulaystey sanadkii 2018.


Dayuuradda Saras oo uu culayskeedu yahay 7000-kg waxaa weli u socda tijaabooyin ay samaynayaan duuliyayaasha ciidamada cirka Hindiya, waloow ay tahay dayuurad rakaab oo qaadi karta 19-qof.

In qaab ganacsi loo soo saaro moodalkan waxaa la filayaa sanadda 2022. Saras waxaana la filayaa in uu qiimeheedu noqdo Rs. 45 crore — oo ah Rubiiga dalkaasi, taasoo ka rakhiisan lacagta ay iminka kusoo iibsato dayuuradaha noocan ah.

Horumarinta iyo dhismaha dayuuradda Saras oo soo bilaabatay 18 sanadood ka hor ayaa la joojiyay 2009, kaddib markii ay tijaabadii ku burburtay iyadoo galaafatay laba duuliye.

Waxaa se dib boorka looga jafay 2016 oo ay shaqadu ka bilaabatay shaybaarrada qaranka ee dhanka hawada ee ku yaalla magaalada Bengaluru (Bangalore) ee National Aerospace Laboratories.

Hadalsame Media