(Muqdisho) 09 Feb 2019 – Soomaaliya ayaa martigalinaysa ciyaarta xulka labaatan jirada labada dal ee Soomaaliya iyo Eritrea. Waxaa ugu dambeysay in Moqdisho ciyaar heerkaasi lagu qabto sanadkii 1988-dii
Ciyaartaan kubbada cagta oo ah mid heer caalami ah ayaa 30 sanno kadib ka dhacaysa Magaalada Muqdisho dabayaaqada bishaan sida ay sheegayaan wararku.
Soomaaliya ayaa ciyaarteedii ugu dambeysay oo heer caalami ah ku ciyaartay Muqdisho sanadkii 1988 markaas oo ay la ciyaartay jamhuuriyadda Mauritius.
Intaa wixii ka dambeyay amaanka dalka Soomaaliya ayaa ahaa mid walaac ku hayay bulshada kubbada cagta ee caalamka taasoo ka hor istaagtay Soomaaliya inay marti galiso ciyaar heer caalami ah.
Madaxwaynaha xiririka kubbada cagta Soomaaliya Cabdiqani Siciid Carab ayaa u arka ciyaarta 16ka bishaan ka dhacaysa Muqdisho mid wax weyn u ah dalka Soomaaliya iyo bulshada caalamka ee xiiseysa kubbada cagta.
“Mustaqbalka dhow waxaan fileynaa inaan martigalino tartanka Cecafa…. Waxaa soo hagaagay amniga dalka waxaana ku faraxsanahay in 30 sanno kadib aan martigalino ciyaar heer caalami ah,” ayuu yiri Mr. Carab.
“Dadkeenu waxay baahi u qabaan inay daawadaan ciyaar heer caalami ah,”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.
Soomaaliya ayaa dhowaan la soo laabatay garoonka Istaadiyo Muqdisho kadib markii ay ka baxeen ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM waxaana hadda ka socda dib u habeyn ballaaran.
Hadalsame Media