
(Beijing) 08 Feb 2019 – Shiinaha ayaa bilaabay bahdil iyo tacaddi ba’an oo kula dhaqmayo Muslimiinta dalkaasi, iyadoo dhamaan masaajidda ku yaalla dalkaasi Shiinaha lagu amray in ay masaajidda suraan calanka dalkaasi si loo xoojiyo wax lagu sheegay ‘shucuurta wadaninimo’ ee Muslimiinta dalkaasi, sida ay sheegtay Jamciyad Islaami ah oo ay samaysatay dowladda Shiinuhu.
Arrintan ayaa imanaysa xilli uu sii xoogaysanayo tacaddiga uu Xisbiga Shuuciga ah ee dalkaasi kula kacayo dadka Muslimiinta ah.
Todobaadkii hore, dad laga soo daayay xabsiyo lagu sheegay in lagu ”dhaqan celiyo” Muslimiinta ayaa tilmaamay in lagu khasbay inay cunaan hilibka doofaarka isla markaana cabaan aalkolada, taasoo mamnuuc ka ah Muslimiinta.
War kasoo baxay dhanka Beijing ayaa ku amraya masaajidda inay dadka u sharraxaan ‘mabaadii’da asaasiga ah’ ee Xisbiga Hantiwadaagga ah, iyagoo weliba ugu dabaqaya diinta Islaamka si ay qalbiyada ugu qabsadaan, sida lagu yiri warkaasi.
Jamciyadda Islaamiga ah ee Shiinaha ama China Islamic Association oo ah urur ay dhoodhoobatay dowladda dhexe ee Shiinaha ayaa iminka awood loo siiyay inay kaligood bixin karaan rukhsad imaam noqoshada wadaadada dalkaasi ee Muslimka ah.


Hadalsame Media