Nin geeriyoodey kaddib markii uu ku qarxay sigaar uu qaacinayay + Sawirro

0

(Forth Worth, TA) 07 Feb 2019 – Wiil 24-jir ah ayaa si faj’a ah u geeriyoodey kaddib markii uu wejigiisa ku qarxey sigaar-danabeed (e-cigarette) uu qaacinayay, kaasoo jaray halbowlaha wayn ee maskaxda aada.

William Brown, oo ah reer Fort Worth, Texas, ayaa sigaarka ku dhex cabayay gaarigiisa bannaanka dukaanka Smoke & Vape DZ ee North Fort Worth dhamaadkii Jannaayo, in yar uun kaddib markii uu soo iibsadey sida ay hooyadii sheegtay.

Firir kasoo faniinay qaraxa ayaa kala jaray halbowlaha maskaxda waraabiya ee qoorta mara (carotid artery), taasoo keentay inay maskaxdu noqoto ogsijiin la’aan, goobtii ayuuna ku geeriyoodey.

Ayeeydii Alice Brown, ayaa sheegtay in wiilkeedu uusan xitaa sigaarya cab ahayn, balse uu noocan gaarka ah soo gatay kaddib markii ay dad kula taliyeen inuu neefta uu qabo u roon yahay.

Hadalsame Media