(Vandenberg) 06 Feb 2019 – Maraykanka ayaa koonfurta gobolka California ku tijaabiyay gantaal baalistig ah oo uu kusii daayay hawada Badda Deggan, xilli ay sii kaceeyso xiisadda hardanka dhanka hubka ee dunidu, kaddib ka bixitaanka heshiiska fidista nukliyeerka ee INF.
Muuqaal kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Maraykanka ayaa waxaa laga arkayaa gantaal ah nooca Minuteman III Intercontinental Ballistic Missile (ICBM) oo laga ganayo saldhigga ciidan ee Vandenberg Air Force Base.
Gantaalkan oo aan wax hub ah oo gaar ah sidin, ayaa 3 qaybood u kala haraya, iyadoo uu madaxa oo saacaddii jaraya 15,000 oo mayl uu u shiraacday dhanka jasiiradda Kwajalein Atoll.
Waloow gantaalkan Minuteman ICBM, oo ah nooca riddada dhexe aanu ka mid ahayn kuwii ku mamnuucnaa heshiiskii la hakiyay ee INF, misna waxaa hubaal inaan haatan foodda la galnay hardan dhanka hubka halista ah oo khatar ku noqon doona amaanka dunida.
Test launch of unarmed Minuteman III #ICBM out of Vandenberg LF-04 Tuesday night (Feb 5) around 11:01:24 PM PST.
First photo is launch+1st stage separation, second photo is crop just after separation with still-hot first stage tumbling away creating a faint dotted line under pic.twitter.com/dPlTrN3AUf
— bryanwann (@bryanwann) February 6, 2019
Hadalsame Media