Xaafad dadka maalqabeenka ah ay ku badan yihiin oo dab qabsaday. Khasaare ayaa ka dhashay + Sawirro

0

(Paris) 05 Feb 2019 – Wararka laga helayo Magaalada Paris ee caasimadda Faransiiska ayaa sheegaya in xaafad ku taalla Magaaladaasi oo dad xagga nolosha Ladan ay degan yihiin uu dab qabsaday.

Dabka ayaa si gaar ah u qabsaday dhisme dhowr biyaano ka kooban waxaana wararka horu dhaca ah ay sheegayaan in ugu yaraan 7 ruux ay dhinteen halka ku dhawaad sodomeeyo kalena dhaawacmeen.

Gaadiidka gurmadka deg dega ee dab-damiska iyo shaqaalaha caafimaadka ayaa la arkayay iyagoo ku sii qulqulaya xaafadaasi dabku ka kacay.

Booliska ayaa sheegay subaxnimadii hore ee saakay oo Tallaado ah inay baarayaan sababta ka damebeysay in dabku kaco.

Tiradada khasaaraha dhimashada ayaa laga cabsi qabaa inay kor u kacdo sida ay dadku u sheegeen wakaalada wararka AFP.

Waxaa la sheegay in dad badan ay ka baxsadeen goobta iyagoona ka dusay dariishadaha dhismaha dabku qabsaday si ay uga baxsadaan holaca dabka.

Hadalsame Media