Wararkii ugu dambeeyay xaalada Magaalada Bosaaso iyo howlgallo ka socda

0

(Bosaaso) 05 Feb 2019 – Wararka laga helayo Magaalada Bosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in halkaasi ay saakay ka socdaan howlgallo baaritaano ah oo ay wadaan ciidamada amaanka Magaalada.

Howlgalkaan ayaa la sheegayaa in lagu bartilmaameedsanayo xaafado ka tirsan Magaalada oo looga shakinsan yahay inay ku nool kooxaha amni darrada ka wada Magaaladaasi, sida ay sheegayaan wararku.

Ciidamo fara badan oo ka tirsan kuwa Maamulka ayaa la dhoobay nawaaxiga dekadda weyn ee Bosaaso halkaasi oo shalay galinkii hore lagu dilay wakiilkii shirkadda DP World ee dekadda Bosaaso.

Weerarkaasi oo ay sheegteen ururka Al-Shabaab ayaa waxaa gaystay wiil dhalintaro ahaa oo ku hubeysnaa Bastoolad waxaana sidoo kale ku dhaawacmay sadex ruux oo kale oo labo ay ahayd illaaladii wakiilka la dilay halka ninka kalena uu ahaa nin u dhashay Hindiya.

Ciidamada amaanka ayaa toogtay ninka weerarka gaystay kaasoo xalay isbitaal ku yaala Bosaaso ugu dhintay dhaawicii soo gaaray shalay.

Hadalsame Media