(Muqdisho) 05 Feb 2019 – Barnaamijka Is-xilqaan ee lagu dhisayo xarumaha danta guud ee Magaalada Muqdisho ayaa si habsami leh u socda waxaana ka qeyb qaadanaya dhamaan shaqaalaha iyo mas’uuliyiinta hay’adaha kala duwan ee dowladda Federaalka Soomaaliya.
Saacadaha Shaqada Barnaamijka Is-xilqaan ayaa la kordhiyay kadib amar ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre.
Shaqaalaha iyo mas’uuliyiinta Wasaaradda Warfafainta Soomaaliya ayaa markii sedexaad maanta ka qeybgalaya barnaamijka isxilqaan,taasi oo qeyb ka ah ololaha lagu dhisayo xarumaha danta guud,waxaana lagu bilaabaya maanta in ay shaqeeyaan waqti ka badan intii hore.
Agaasimaah guud ee wasaaradad Warfaafinta XUkuumadda Soomaaliya C/raxmaan Sheekh Yuusuf Al-Cadaala ayaa kula dardaarmay shaqaalaha iyo mas’uuliyiinta kale ee wasaaradda in si hufan loo guto waajibaadka shaqo ee ka saran dib u dhiska xarumaha danta guud,isagoona bogaadiyay shaqadooda.
Sidoo kale Abwaan Cismaan Abdulle Guure Maareeyaha Golaha Murtida iyo wacyigelinta ayaa ku ammaanay maamulka iyo shaqaalaha wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya dowrka ay ka qaadanayaan barnaamijka isaxilqaan.
Waa markii sadaxaad oo shaqaalaha wasaaradda Warfaafintu ay ka qeybqaadanayaan barnaamijka Isxilqaan,oo uu horey ugu dhawaaqay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo




Hadalsame Media