(Jigjiga) 05 Feb 2019 – Magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deegaanka Ismaamulka Soomaalida ayaa laga qaaday Bandow saarnaa afar maalmood kaasoo ay horey ugu soo rogeen hay’adda amaanka Maamulkaasi.
Shacbaka ku dhaqan Magaalada ayaa soo dhaweeyay go’aanka lagu qaaday Bandowga oo ay sheegeen inuu saameyn ku yeeshay ganacsigooda iyo howl-maalmeedkooda caadiga ah.
Bandowga ayaa ahaa mid mamnuucayay isku socodka dadka iyo gaadiidka magaalada Jigjiga xiliga habeenkii ah waxaana la sheegay in sababta ka dambeysa ay ahayd si loo sugo amniga, loona xakeemo rabashado dhimasho sababay.
Hoggaamiyaha xisbiga dowlad deegaanka Axmed Shide ayaa sheegay in la xaliyay wixii khilaafaad ahaa ee soo kala dhax-galay maamulka.
Madaxwaynaha dowlad deegaanka Soomaalida Mustafe Cagjar aya maalmo kahor ku eedeeyay inay xasilooni darrada ka jirta deegaanka ka dambeeyaan kooxo la soo shaqeeyay maamulkii hore.
Rabshadaha ka dhaca deegaanka Soomaalida ayaa inta badan salka ku haya khilaafaad dhex mara qowmiyadaha kala duwan ee dalka Itoobiya gaar ahaan Oromada iyo Soomaalida.
Hadalsame Media