IMAARAADKA: Wiil Soomaali British ah oo loo xirey inuu xirnaa funaanadda Qadar (Dhib loo gaystey)

0

(Abu Dhabi) 05 Feb 2019 – Nin British ah ayaa lagu xirey dalka Imaaraadka Carbeed kaddib markii uu xirtey funaanadda uu ku dheelo xulka qaranka Qadar, intii ay socotey ciyaar ka tirsanayd Koobka Aasiya, sida ay werisey saxaafadda UK.

Ali Issa Ahmad, 26 jir, ayaa xabsiga la dhigay welibana la garaacay kaddib markii uu soo xirtey funaanadda Qadar kulankii ay la dheeleen dalkaasi Ciraaq oo ay ku wajeheen caasimadda Abu Dhabi, 22-kii bishii Jannaayo, sida uu weriyay warqaadka The Guardian ee dalka Ingiriiska cadadkiisii maanta.

In dareen la jir loo muujiyo dalka Qadar waxay Imaaraadka ka tahay dembi ciqaab lagu muto iyadoo qofka la xiri karo ilaa 15 sanadood.

Hadalsame Media