(Ottawa) 05 Feb 2019 – Macaamiisha suuqa sarrifka lacagta cusub ee loo yaqaanno cryptocurrency ayaa awoodi la’ inay helaan lacag dhan $190 milyan oo doollar kaddib markii uu fure-danabeedkii (password) la dhintay ninkii shirkadda aasaasay.
Gerald Cotten, oo 30-jir ah ahaana ninka dhisay shirkadda QuadrigaCX, ayuu u dhintay bugtada Crohn’s disease oo ah cudur ku dhaca dheef-mareenka.
Sida uu sheegay Sky News, oo soo xiganaya xaaska uu ka geeriyoodey Cotten, Jennifer Robertson, wuxuu odaygeedu xijaabtey bishii Dismeebar mar uu xarun agoomeed ka furayay Hindiya.
Xaaska Robertson ayaa hilinka Sky News u bayaanisay in Cotten uu si amaanka hantidaasi loo dhoowro uu “isagu hayey wixii mas’uuliyad ah oo ku hareereeysan maareeynta qadaadiicdan internet-ka wax looga kala iibsado.”
Dadkii lahaa lacagayoowgaasi ayaa se iminka meel cidla ah kusoo dhacay, iyagoo aan galaangal la lahayn malaayiin doollar oo ay leeyihiin.
Hadalsame Media