XOG: Ninkii ka dambeeyay qaraxii maanta ka dhacay Muqdisho oo fara cidiyo leh kaga baxsaday Shacabka!

0

(Muqdisho) 04 Feb 2019 – Warar xog-ogaal ah oo ay heshay Warbaahinta Hadalsame Media ayaa sheegaya in qaar ka mid ah dadka shacabka ah ee ku ganacsada hareeraha halka uu ka dhacay qaraxii maanta ay arkeen ninka Gaariga qaraxa waday ee ku baakimay banaanka hore ee suuqa Muqdisho Mall iyo Maqaayadda Baar Itaaliya.

Shacabka ayaa islamarkiiba waxay ka shakiyeen darawalkii waday gaariga waxayna u waceen Ciidamada Booliska oo joogay meel aan ka fogeyn halka qaraxii maanta ka dhacay. Intii Ciidamadu aysan soo gaarin goobta ayuu fakaday oo cararay ninkii gaariga meesha dhigay waxaana deeto qarxay gaariga.

Sida Muuqata gaariga qarxay waxaa laga hagayay Rimuut Koontarool, mana cadda haddii isla darawalka waday ee cararay uu watay Rimuudka iyo haddiiba ay jireen dad kale oo gacan ku siiyay shirqoolkaan lagu laayay dad ka badan 14 ruux oo shacab ahaa.

“Waan aragnay ninka gaariga meesha dhigay, aadbuu u fiigsanaa….Waxaan isku daynay inaan Ciidamada Booliska la xiriirno, laakin waxaa dhacday in ninkii gaariga waday uu ka degay gaariga islamarkaana uu cararay waxaa ceyrsaday dad laakin islamarkiiba waxaa qarxay gaarigii uu meesha dhigay,” sidaas waxaa Hadalsame Media u sheegay qof ka mid ah dadka shacabka ah ee  arkayay markii gaariga halkaasi lagu baakimayay. Sababo amni dartood, ayaanan u daabici karin magaca qofka shacabka ah ee xogtaan siiyay warbaahinta Hadalsame Media.

Hay’addaha amaanka ayaa wada baaritaano lagu raadinayo cida fulisay weerarkaan, hase ahaatee lama sheegin cid illaa hadda ay u soo qabteen. Dadka ku dhintay qaraxii maata waxaa ka mid ah hooyooyin iyo carruuur ay dhaleen.

Qaraxaan ayaa noqonayaan kii sadexaad oo muddo labo bilood gudahood ah ka dhaca meelo aan sidaas uga fogeyn xarunta Madaxtooyada iyo aqalka Dowladda Hoose ee Xamar waxaana dadka arrimaha amaanka ka hadla ay sheegayaan in markaan Al-Shabaab ay ku ag meereysanayaan degmooyinka ka agdhow Madaxtooyada.

Maalmihii ugu dambeeyay waxaa dilal isdaba joog ah ay ka dhacayeen degmooyinka Xamarjajab, Xamarwayne, Waaberi, Xamarwayne , Warta Nabadda iyo Boondheere.

Degmooyinkaasi waxaa ku yaala ama ka ag dhow xarumaha Muhiimka ah ee dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka gobolka Banaadir.

Hadalsame Media