(Muqdisho) 04 Feb 2019 – Qarax jugtiisa laga maqlay inta badan Magaalada Muqdisho ayaa ka dhacay dhisme suuq weyn casri ah oo aad looga dukaameysto islamarkaana ka mid ah goobaha adeegyada wanaagsan ee Magaalada Muqdisho.
Warar is-khilaafsan ayaa ka soo baxaya nuuca qaraxaani waxaana wararka qaar sheegayaan in loo adeegsaday gaari miineysan halka weerarka kale sheegayaan inuu ka dhashay gaari lagu baakimay banaanka Mogadishu Mall.
Sidoo kale warbaahinta gudaha qaar kood ayaa sheegay in qaraxu uu aad ugu dhow yahay saldhiga Booliska degmada Xamarwayne.
Lama oga khasaaraha ka dhashay weerarkaani waxaase la arkay gaadiidka gurmadka deg dega. Waxaa jira warar sheegaya inuu weerarkaani sababay burbur baahsan oo soo gaaray qaybo badan oo ka mid ah suuqa Mogadishu Mall.
Hadalsame Media