khasaaraha ka dhashay qaraxii ka dhacay Suuqa Muqdisho Mall iyo Al-Shabaab oo sheegatay masuuuliyada weerarkan

0

(Muqdisho) 04 Feb 2019 – Qarax jugtiisa laga maqlay inta badan Magaalada Muqdisho ayaa ka dhacay dhisme suuq weyn casri ah oo aad looga dukaameysto islamarkaana ka mid ah goobaha adeegyada wanaagsan ee Magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxu ka dhashay gaari lagu baakimay banaanka Mogadishu Mall.

Ugu yaraan 10 ruux oo rayid ahaa ayaa ka dhintay weerarkaan waxaana ku dhaawacmay in badan 15 ruux.

Ururka Al-Shabaab oo weerarkaan sheegtay ayaa sheegay in hadafkoodu ahaa maqaayad lagu magacaabo Baar Banaadir oo u dhow Mogadishu Mall.

Kooxdan ayaa sheegtay in maqaayadaasi ay fadhi u ahayd saraakiil ka tirsan dowladda Hoose ee Muqdisho. Hase ahaatee waxyeelada ugu badan ee weerarkaan ayaa soo gaartay goobo ganacsi iyo dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

Hadalsame Media