(Boosaaso) 04 Feb 2019 – Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay Masuuliyadda weerar gaadmo ahaa oo saakay subaxdii hore lagu dilay madaxii shirkada DP World ee dekedda Boosaaso.
Booliska ayaa sheegay inay wadaan baaritaano ku aadan kiiskaan, hase ahaatee waxaa masuuliyada weerarkaan dabarka u ritay ururka Al-Shabaab.
Paul Anthony Fermosa ayaa lagu dhex qaarajiyay xaafiiskiisa waxaana wararku sheegayaan in dilkaasi uu gaystay nin hubeysan. Sidoo kale waxaa uu dhaawac soo gaaray sadex ka mid ah illaaladiisa oo ah Soomaali.
Warar soo baxay saakaddii hore ayaa sheegayay in ruuxa dilkaan gaystay uu ka mid yahay iskaashatada kalluumeysiga ee gobolka Bari
Booliska ayaa sheegay in sarkaalkan ajinabiga ah uu ku dhintay Isbitaal ku yaala magaalada Boosaaso oo dhaawac ahaan loo geeyay.
Sidoo kale Ciidamada amaanka ayaa waxay gacanta ku dhigeen ninka dilka geystay oo la sheegay inay dhaawaceen ciidamada illaalada dekadda Boosaaso.
Hadalsame Media