(Chad) 03 Feb 2019 – Wasaaradda Gaashaandhiga Mareykanka gaar ahaan taliskeeda Africom ayaa shaaca ka qaaday in diyaaradahooda dagaalka oo kaalmeynayay ciidamada gaarka ah ee dowladda Soomaaliya ay dileen 13 dagaalame oo ka tirsanaa ururka Al-Shabaab.
Weerarkan ayaa ka dhacay deegaanka Gandershe oo u dhow Magaalo xeebeedka Marka ee gobolka Shabeellada Hoose.
Si, gaar ah weerarkaasi ayaa ka dhacay goob 48 kiiloomitir u jirta Magaalada Caasimadda ee Muqdisho.
Mareykanka ayaa sheegay in ururka Al-Shabaab uu deegaanka Gandershe u adeegsan jiray goob uu ka soo maleego qaraxyada ka dhaca Magaalada Muqdisho.
Bishii Dasembar ee sanadkii tagay ayay ahayd markii Mareykanka uu sheegay in 62 xubnood oo ka tirsanaa ururka Al-Shabaab lagu dilay meel u dhow deegaanka Gandershe.
Weerarkaan waxaa uu noqonayaa kii tobonaad oo sanadkaan Maraykanku ka fuliyay Soomaaliya waxaana sanadkii hore ka dhacay Soomaaliya 50 weerar oo dhanka cirka ah.
Qamiistii la soo dhaafay waxaa weerar ka dhacay gobolka Hiiraan lagu dilay 24 dagaalame oo ka tirsanaa ururka Al-Shabaab. Inta badan weeraradaan ayaa dhaca iyadoo diyaaradaha Maraykanku ay garab siinayaan ciidamada gaarka ah ee Soomaaliya oo loo yaqaano DANAB
Hadalsame Media