Faahfaahin ku saabsan dagaal culus oo xalay ka dhacay degmada Afgooye

0

(Afgooye) 03 Feb 2019 – Wararka laga helayo degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegaya in xalay halkaasi uu ka dhacay dagaal culus kadib markii ururka Al-Shabaab ay dhowr jiho ka soo weerareen degmadaasi.

Dadka rayidka ah ee ku dhacay degmada Afgooye ayaa saakay hadal hayo dagaalo culus oo xalay saqdii dhexe ka dhacay gudaha Afgooye halkaasi oo ay ku dagaalameen ururka Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda Soomaaliya.

Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda Federaalka oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay inay iska caabiyeen weerar qorsheysan oo ururka Al-Shabaab ku soo qaaday Degmada Afgooye.

Wararka ayaa sheegaya inuu jiro khasaare soo kala gaaray labada dhinac ee dagaalamay, iyadoona sidoo kale ay jiraan warar soo baxaya oo sheegaya in dad rayid ah waxyeelo soo gaartay.

Ma ahan markii ugu horeysay oo ururka Al-Shabaab weerar qorsheysan ku soo qaado Degmada Afgooye oo ah meel Istaraatiiji ah islamarkaana ay ku sugan yihiin ciidamo fara badan oo ka tirsan dowladda dhexe, kuwa maamulka Koonfur Galbeed iyo waliba ciidamo ka socda Midowga Afrika.

Hadalsame Media