Ganacsatada Muqdisho oo shaki badan ka muujiyay sababaha keenaya gubashada Suuqa Bakaaraha (Warbixin)

0

(Muqdisho) 02 Feb 2019 – Ganacsatada Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho ayaa dareen iyo walaac ka muujiyay soo noq-noqodashada dabka alaaba ka kaca gudaha suuqaasi, waxaana bil gudaheed labo jeer gubtay qaybo muhiim ah oo ka tirsan suuqaasi.

Qaar ka mid ah dadka ganacsatada ah ee dhibaatadu soo gaartay ayaa u sheegay warbaahinta Hadalsame inay ka yaaban yihiin sababaha soo celcelinaya gubashada suuqa waxaana ay muujiyeen dareen ah inay jiri karaan gacmo kale oo si ku talagal ah ugu lug leh arrintaas.

Laakin waxaa wararku sheegayaan in dabka inta badan uu ka dhasho Koronto waxaana xalay oo ugu dambeysay dab xooggani ka kacay qaybta dahablaha ee Suuqa Bakaaraha halkaasi oo ay ku basbeeshay hanti badan.

Gaadiidka gurmadka deg dega ah ayaa markii dambe si nafla caarinimo ah ugu guuleystay inay dambiyaan dabka, hase ahaatee waa mar uu dabku la tagay hanti badan islamarkaana burburiyay goobo badan.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sidoo kale walaac ka muujiyay waddooyinka ciriiriga ah ee gudaha Suuqa Bakaaraha taasoo gurmadka ka dhigta mid gaabis ah mar walba oo musiibadaan oo kale ay dhacdo.

Hadalsame Media