Xaaladda barakacayaasha gudaha Itoobiya oo meel xun mareeysa

0

(Addis Abeba) 01 Feb 2019 – Dalka itoobiya ayaa heyadaha gargaarku ka deyrinayaan xaalada barakacayaasha kuwaas oo ay sal kiciyeen colaado qoomiyadaha u dhaxeeya iyo abaaro.

In kabadan Sadax milyuun oo qof ayaa la sheegaya in ay iminka barakac ku yihiin gudaha Itoobiya .

Xerada Qoloji oo ku taala gobalka Soomaalida ayaa la sheegay in ay ku jiraan 80,000 oo qof kuwaas oo badankooda soomaali ah.

Dadkaan ayaa la sheegay in ay gaajo u dhamaanayaan iyadoo aanu jirin siyaasad ama xal ku wajahan barakacayaasha oo hada miiska u saaran xukumada Abiy Ahmed.

Waxaa Diyaariyay: Maxamed Dhoorre

Hadalsame Media