Solskjaer oo Martial ku xujeeyay inuu raaco raadkii Ronaldo + Sawirro (Arag diiwaankooda)

0

(Manchester) 01 Feb 2019 – Ole Gunnar Solskjaer ayaa laacib yaraha soo baxaya ee Anthony Martial ku xujeestey inuu raaco raadkii Cristiano Ronaldo dhanka Manchester United – Mana aha dalab sidaa ugu adag marka la eego halka uu haatan joogo.

Martial ayaa iminka saxiixay qandaraas uu todobaadkii ku kasbanayo £200,000 oo gini oo uu 5 sanadood kaga sii ciyaarayo Old Trafford, isagoo dhiirri gelin u noqday taageerayaasha jeer ay kooxdu hal lug ku boodaysey fasalkan.

Weliba marka ay eegaan diiwaanka Martial iyo bandhiggiisa tan iyo markii uu Monaco kasoo wareegey Sebtembar 2015, waxaa muuqata sabab ay u rumaystaan in laga dhabayn karo xujada uu maanta hor dhigay macallin Solskjaer.

HALKAN HOOSE KA ARAG IS BARBARDHIGGOODA:

Hadalsame Media