Sawir qaade is barbar dhig ku sameeyay sawirrada Moosul kahor & kaddib Daacish + Sawirro

0

(Moosul) 01 Feb 2019 – Sawir qaade Ciraaqi ah ayaa isbarbar dhigay sawirrada magaalada soo jireenka ah ee Moosul, isagoo sawir kasta hor dhigay si uu hadda noqday kaddib markii ay magaaladaasi ay hilfaha u qaadeen kooxda ISIS oo iminka laga xoreeyay.

Sawirrada waxaa qaaday Akram Abdulwahab Agha, wuxuuna ku muujinayaa dhismayaasha caanka ahaa iyo kuwa taariikhiga ahaa ee ku bur buray halkaasi, sida Buundada Hurriya, Bab al-Tob, minaaraadka masjidka al-Hadba oo ay dhulka dhigeen iyo kuwa kale.

ISIS ayaa magaaladan qadiimiga ah qabsatay Juun 2014, markaasoo ay magaalada ka eryeen dadkii deganaa ee aan iyaga ku fikirka ahayn, sidoo kalena burburin ugu dhaqaaqay dhismayaashii magaalada oo ay xitaa masaajid ku jireen.

Waxyaabaha ay gubeen waxaa ka mid ahaa ilaa 100,000 oo buug oo ay qaar badan oo ka tirsan oo naadir ihi ay u diiwaan gashanaayeen hay’adda UNESCO.

Hoos ka dheeho sawirrada… 

Hadalsame Media