DEG DEG: JAP VS QAD 1-3…. Qadar oo hanatay Koobka Qaramada Aasiya + Muuqaal & Sawirro

0

(Abu Dhabi) 01 Feb 2019 – Xulka qaranka Qadar ayaa markii ugu horreeysey hantay Koobka Qaramada Aasiya kaddib markii ay 3-1 direen dalka Japan.

Xulka Qadar oo fasalkan oo idil min bilow ilaa dhamaad wacdaro ka yaabis ah ka dhigayey KQA ayaa waxaa goolasha u dhaliyay Almoez Ali iyo laacibka asal Soomaaliga ah ee Akram Cafiif oo midka 3-aad oo rigoore ahaa dhaliyay.

Dalka Japan waxaa goolka madiga ah u ansixiyay xiddigga Takumi Minamino.

Akram Cafiif, wuxuu shaki la’aan ahaa xiddigga hoggaaminayay xulka Qadar, wuxuuna kaligii hindisey in ka badan 20 fursadood oo gool lagu dhaliyay ama lagu dhalin karey.

Halkan ka DAAWO….

Bahda Hadalsame waxay hambalyo u dirayaan xulka Qadar oo gaarey guul caalami ah oo ay u qalmeen, iyagoo sidaa ku sugaya KA2022 oo uu dalkoodu marti gelin doono, kaasoo ay u muuqdaan kuwo xul macquul ah u diyaarsaday.

Hadalsame Media