DAAWO: Iskuul ay Soomaalidu ku leedahay Stockholm oo aad loo amaanay!

0

(Stockholm) 01 Feb 2019 – 9 sanadood kahor ayay ahayd markii ay koox waalidiin ah oo saluugsanaa iskuullada degaanku ay guddoonsadeen inay iskuul iskood u furtaan, sida uu baahiyay hilinka SVT oo ah TV-ga ugu wayn Sweden.

Halkan ka DAAWO…

Iskuulkaasi waa Kista International School oo ay maamulaan dad Soomaaliyeed, wuxuuna haatan ka mid yahay iskuullada ugu fiican kuwa ay ajnabigu u badan yihiin, isagoo middaa ku mutaystay natiijo wanaaggiisa.

Waxaa markii hore loo bilaabay mashruuc ardayda layliga looga caawinayo ahaan dhamaadkii 90-meeyadii, kaasoo lagu bilaabay Rinkeby Folkets, maanta se Kista International School waxaa dhigta qiyaastii 400 oo arday isagoo ku shaqeeya dhismihii hore ee dugsiga Akalla.

”Yoolkeennu waa in aannu carruurta Rinkeby, Tensta iyo Husby u birbirinnaa inay riyadooda ka rumayn karaan, meel kasta oo ay kasoo jeedaan.” ayuu yiri Mohamed Hagi Farah, oo ah guddoonka guddiga waalidiinta.

SOO SAARISTA ARDAY TAYO LEH

Sanadihii dambe, dhamaanba ardayda kasoo qalin jebisa fasalka 9-aad ee ugu dambeeya dugsiga dhexe ee dugsigani waxay dhibco sare ku tegayeen dugsiyada sare ee dalka, halka qiyaastii kala bar ka badan ardayda iskuullada kale ee degaanku ay taa ku guulsarraysteen.

MAXAY TAHAY SABABTU?

Fasallo yar oo layliga looga caawiyo, waalidka oo si joogto ah ula socda, taageero dhanka afka hooyo ah iwm ayaa ka mid ah waxyaabaha farta lagu fiiqayo inay guushan gacan ka gaysteen.

Waa arrin ay ka marqaati kaceen gabdhaha Isra iyo Safiya Cabbi Maxamed oo sheegay inay wax wanaagsan tahay inuu iskuulku xiriir aad u dhow la leeyahay waalidiinta.

 

Hadalsame Media